Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad oo Gaaray Deegaan Shalay alshabaab...

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad oo Gaaray Deegaan Shalay alshabaab laga Qabsaday(Sawiro)

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qayb ka yahay taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray degmado Baxdo, iyagoo uga sii gudbay deegaanka Xin-labi oo dhawaan laga xoreeyay Al Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo masuuliyiinta la socota ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Xin-labi ee muddo dheer u oomanaa neecaawda dowladnimada.

Qoor Qoor iyo xubnihii kale ee la socday ayaa uga sii gudbay Xin-libi deegaannada Dhag-haye iyo laas-gacaneey ee gobolka Mudug, waxa ayna deegaannadaasi kula kulmeen bulshada halkaasi ku dhaqan.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo in ku dhaw saddex toddobaad ku jiray furimaha hore ee dagaalka ayaa usoo wareegay deegaannada gobola Mudug ee ay ciidamada geesiyaasha ku baacsanayaan kooxda Al Shabaab.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka loo Gaystay Madixii Maalyada Alshabaab u Qaabilsanaa Gobalka Bay
Next articleAlshabaab isku Aruursanaayay Duleedka Wabxo iyo Ceel garas oo La Weeraray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here