Home Wararka Maanta Alshabaab isku Aruursanaayay Duleedka Wabxo iyo Ceel garas oo La Weeraray

Alshabaab isku Aruursanaayay Duleedka Wabxo iyo Ceel garas oo La Weeraray

0

Hawlgallo ay fuliyeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalooyinka Wabxo iyo Ceel-garas ayaa lagu dilay 30-xubnood oo katirsan dagaallamayaasha Al Shabaab.

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgalladan oo lagu beegsaday meelo ay si qarsoodi ah isugu uruursanayeen Al Shabaab, sidoo kale lagu burburiyay qaraxyo iyo saanado kale oo ciidan oo ay diyaarinayeen kooxdan.

Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa diyaaradaha dagaalka saaxiibada caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay beegsaday saraakiil iyo dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ,kuwaa oo inta badan lagu beegsaday gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor iyo Taliye Mahad Salaad oo Gaaray Deegaan Shalay alshabaab laga Qabsaday(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Cabdiqaasim Salaad oo Al-shabaab ku tilmaamay ‘mushkilad’ hortaagan dadka iyo dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here