Home Wararka Somaliya Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe oo ku Howlan In La xaliyo...

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe oo ku Howlan In La xaliyo Colaada ka jirta Muqdisho

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Qoorqoor iyo Guudlaawe ayaa la hadlay xubno kamid ah mucaaradka, saraakiil ciidan oo ka gadoodsan muddo korarsiga Madaxweynaha, xubno kamid ah Villa Somalia iyo odayaasha dhaqanka beelaha Muqdisho daga, iyadoo ay bilaabeen dadaalo lagu joojinayo dagaaladii socday.

Waa markii ugu horreysay oo ay bilaabaan dadaalada xal u helida dagaalada Muqdisho oo lugaha la sii galaya ku dhawaad 24 saacadood xariir ah.

Dhinaca kale, waxaa dagan aagga KM4 iyo Taleex oo ay caawa ka dhaceen dagaalo culus, waxaana goobihii lagu dagaalamay wali ku sugan ciidamo ka amar qaata Janaraal Saadaq Joon iyo Janaraal Indhacade.

Ad
Previous articleMaxaa iska badalay Go’anka Madaxweyne Farmaajo ee Xaalada Dalka?
Next articleRa”isul Wasaare Rooble oo la Filayo inuu ka hadlo Xaalada Muqdisho iyo Dagaalada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here