Home Wararka Somaliya Madaxweyne Puntland Deni oo Boosaaso u tagaya Arrinta Ciidamada PSF

Madaxweyne Puntland Deni oo Boosaaso u tagaya Arrinta Ciidamada PSF

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la filayaa in uu todobaadkaan gudihiisa uu safar deg deg ah ku tago Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha ujeedka safarkiisa uu yahay xal ka gaarista xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii uu ku sameeyay Agaasimihii Ciidamada PSF-ta Puntland Maxamuud Cismaan Diyaano.

Madaxweyne Deni oo Boosaaso ay uga sii horreeyaan Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa la kulmi doona Odayaasha Dhaqanka Magaalada Boosaaso si loo dejiyo xiisada Gacan ka hadalka ku dhow ee ka taagan Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Goboka Bari meelo kamid ah ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa PSF-ta iyo taliyeyaashooda, kuwaas oo kasoo horjeestay xilka qaadistii agaasimahooda, iyaga oo sheegay in aysan ka amar qaadan Madaxweynaha Puntland.

Ad
Previous articleGuddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka hadlay Doorashadii Yaasiin Farey (Akhriso)
Next articleDoorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Magaalada Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here