Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweyne Guudlaawe iyo Taliye Odawaa oo howlgal Cusub ka Bilaabay Deegaano Shabeelada...

Madaxweyne Guudlaawe iyo Taliye Odawaa oo howlgal Cusub ka Bilaabay Deegaano Shabeelada Dhexe (Sawirro)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta booqday deegaanada Geyfo, Bakajeex, Qoordheere iyo Warciise oo dhowaan laga xureeyay Kooxda alshabaab.

 

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhammaan deegaanada laga xureeyay argagixisada, Isagoo halkaas kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan iyo Qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada ,waxa uuuna kala hadlay muhiimada howlgalada socda, adkeynta amniga deegaannada la xureeyay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay ciribtirka khawaarijta arxanka daran.

 

Madaxweynaha ayaa la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ah oo usoo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada baahsan ee lagu ciribtirayo Al Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay uga go’an tahay inay Gobolkaan ka xureeyaan argagixisada cadowga ee dhiibaateeyay dadka shacabka ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabeelle inay u soo hub qaataan halganka la isaga xureynayo khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka.

Ad
Previous articleSweden oo ka bilaabatay Maxkamadeynta Nin Xaaskiisa ku dilay Toorey Carruurtooda Hortooda
Next articleLamaane dal shisheeye ka iibinaysanaayay sir ay Mareykanka ka Haayeen oo xukun adag lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here