Home Wararka Caalamka Lamaane dal shisheeye ka iibinaysanaayay sir ay Mareykanka ka Haayeen oo xukun...

Lamaane dal shisheeye ka iibinaysanaayay sir ay Mareykanka ka Haayeen oo xukun adag lagu riday

0

Askari hore uga tirsanaa ciidammada badda Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa West Virginia loogu xiray inay isku dayeen inay sir milateri ka iibiyaan dal shisheeye oo aanan la magacaabin

Jonathan Toebbe oo 42-jir ah ayaa ka shaqeyn jiray xafiiska madaxa howlgallada ciidammada badda waxaana lagu qabtay isagoo gudbinaya xog sir ah oo ku saabsan maraakiibta dagaalka nukliyeerka.

Ninkan ayaa wajahaya 18 sanadood oo xabsi ah, halka xaaskiisa Diana 21 sanadood oo xarig ah lagu xukumay, xabsigaasoo ka culus intii la filayay.

Xaakimka ayaa sheegay in haweenayda oo 42-jir ah, ay howlgalka mas’uul ka aheyd.

Dacwad oogayaasha ayaa markii hore doonayay in Toebbe lagu rido xabsi dhan 17.5 sanadood halka xaaskiisa ay doonayeen in la xiro 3 sanadood.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Guudlaawe iyo Taliye Odawaa oo howlgal Cusub ka Bilaabay Deegaano Shabeelada Dhexe (Sawirro)
Next articleMadaxweynaha Shiinaha oo ciidamadiisa ku amray iney isku diyaariyaan dagaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here