Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dib u doorashadii Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dib u doorashadii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Antonio guterres dib-u-doorashadiisa markii labaad inuu noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay Soomaaliya taageero aan hagar lahayn u xaqiijinayso xoghayaha Qaramada Midoobay.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii u magacaabay Antonio Guterres inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay markii labaad oo ka bilaabanaysa 1da Janaayo, 2022, maalmo kadib markii Golaha guud ay si aqlabiyad leh ugu taliyeen in dib loogu doorto xilkan.

Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Volkan Bozkir ayaa ku dhawaaqay in Mr. Antonio Guterres uu xafiiska sii joogidoono Disember 31, 2026.

Bozkir ayaa kadib u dhaariyay xilka Guterres oo 72 sano jir ah fagaaraha hoolka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Guterres, oo ahaa xoghayihii 9-aad ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu xilkaan la wareegay 1-dii Janaayo, 2017, shaqadiisana waxay ku ekayd 31-ka Diseembar ee sanadkan.

Ad
Previous articleSawiro Ciidamada Gaar ah ee Madaxda Galmudug a Galmud
Next articleDhageyso Madaxweyne Qoor qoor oo daahfuray munaasabad lagu soo bandhigayay warbixin ku saabsan sahanka caafimaadka iyo macluumaadka dadka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here