Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo U Diray Umada Soomaaliyeed Ciisa owgeed

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo U Diray Umada Soomaaliyeed Ciisa owgeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, isaga oo dhiirri geliyey horumarka dhanka amniga iyo dib-u-habeynta Ciidamada Soomaaliyeed.

“Munaasabadda Ciidda, waxaan farxaddeeda si gaar ah ula qeybsanayaa Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida. In shacabka Soomaaliyeed, ay si nabad ah ku soomeen Bisha Ramadaan sannadihii la soo dhaafay,  waxay ku timid, Alle fadligiis ka sakoow, halgan iyo howl badan oo ay qabteen Ciidanka Soomaaliyeed, maadaama uu jiro cadow argagixiso ah oo duullaan ku ah dalkeenna, caadeystayna in ay xoojiyaan dhagartooda maalmaha cibaadada ee Bisha Ramadaan.”

Ad
Previous articleDowlada Somaliya oo war ka soo saartay khilaafka ka taagan Safaarada Soomaalida ee Roma
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Hambalyo U Diray Munaadabada Ciiida Owgeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here