Home Wararka Caalamka Madaxweyne Farmaajo oo Goor dhaw Furay Shirka Madaxda DF iyo DG dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo Goor dhaw Furay Shirka Madaxda DF iyo DG dalka.

0

Madaxweynaha DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa furay shirka hordhaca u ah shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka.

Shirkan maanta furmay ayaa waxaa goobjoog ka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Shirka ayaa lagu dhammeystirayaa dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo hirgalinta hishiikii 17 Sep iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo.

Ad
Previous articleMaxaa Caawa Ka soconaya Xerada Afisyooni oo Biri Shirku ka Furmayo ?
Next articleSaadaq Joog oo Lagu Wareejiyay Amniga Garoonka Aadan Cadde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here