Home Wararka Somaliya Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii la soo dhaafay ku sugna Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug aya dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb-galay shirka Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir, kaas oo an wax natiijo ah kasoo bixin.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in uu Madaxweynaha hortago kulan uu isugu yeeraya labada Aqal ee Baarlamaanka  Soomaaliya si uu ugu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada dalka.

Kulanka Baarlamaanka ee Maanta ayaa isha lagu wada hayaa maadaama uu kusoo aaday xilli mudad xilheynta Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay hal Maalin.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli wax heshiis ah aan laga gaarai  arrimaha doorashooyinka dalka, isla markaana shirkii ka socday magaalada Dhuusamareeb ee looga hadlayay doorashooyinka uu fashil ku dhamaaday.

Ad
Previous articleGobolka Gedo oo maanta la filayo in ay ka dhacaan Banaan-baxyo Xoogan
Next articleGalmudug maamula u magacowday Degaanka Bacaadweyne oo ka tirsan Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here