Home Wararka Somaliya Somaliland Madaxweyne Farmaajo oo Bilaabay ololihiisa Dib U Doorashada Cawana Casuumay Xildhibaano...

Madaxweyne Farmaajo oo Bilaabay ololihiisa Dib U Doorashada Cawana Casuumay Xildhibaano Dhawaan la Doortay

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa kulan casho la leh Xildhibaannada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee lagu doortay Muqdisho.

 

Kulankan cashada ayaa martiqaadkiisa waxaa loo maray Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Kulankan casho sharafta ayaa jawaab u ah kulan dhowr habeen ka hor uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo uu dardaaran iyo tallooyin ugu jeediyay Xildhibaannada inay dalka samata bixiyaan oo ay doortaan hoggaan daacad ah..

 

 

Xildhibaannada reer waqooyiga ee la martiqaaday ayaa waxaa ku jira kuwo uu horay intooda badan Farmaajo ugu diiday kuraasta oo u watay rag kale intii aanay awooddu gacantiisw ka bixin.

Ad
Previous article16ka Kursi ee Bosaaso Taala oo la Shaaciyay Xiliga La Dooranaayo
Next articleGuddiga Xalinta Khilafaadka Oo Go.aan kasoo saaray HOP045 oo is qabqabsi Xoogan ka Taagnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here