Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Sadaq Joon oo Madaxtooyada Kulan Iga Socdo

Madaxweyne Farmaajo iyo Sadaq Joon oo Madaxtooyada Kulan Iga Socdo

0

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xilligan uu Villa Somalia kulan uga socdo Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in kulankan uu ka horeeyay mid galabta dhex maray Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin iyo Jen. Saadaq John.

Sidoo kale saddex cisho ka hor Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa isu keenay Fahad Yaasiin iyo Jen Saadaq John si loo dhammeeyo mad madowgii u dhaxeeyay ee ka dhashay arrintii muddo kororsiga ee uu Jenanku ka hor-yimid bishii April 2021.

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenadii la soo dhaafay la kulmayay Saraakiishii Badbaado Qaran ee ka soo horjeeday muddo kororsigiisa, waxaana kulamadan loo arkayay mid uu Farmaajo ku doonayo inuu ku soo dhoweysto, si aysan culeys ugu noqon dhankiisa.

Ad
Previous articleMidowga Musharixiinta oo Soo Dhaweeyey Talaabo uu Qaaday Raysulwasaare Rooble
Next articleFarmaajo oo Bandhiga dhaxe ku Amray inaan Laga bixin Karin Lacagta imaaraadka Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here