Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyay dhamaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii Mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.
“Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan kale oo baaq u dirayaa nimanka siyaasiyiinta ah ee dowladda haatan ka aragti duwan inay miiska nala soo fariistaan oo wixii sharci ah iyo caqli diyaar ayaan u nahay in aan kala hadalno.”
Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu maanta booqasho ku tegay deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan degmada Garoowe, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Sidoo kale wuxuu la wadaagay bulshada in shacabka oo madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan.