Home Wararka Maanta Macawisleey ka Qaybqaadanysa in Alshabaab Shabeeloow laga Saaro oo lasoo Bandhigay(Sawiro)

Macawisleey ka Qaybqaadanysa in Alshabaab Shabeeloow laga Saaro oo lasoo Bandhigay(Sawiro)

0

Waxaa maanta deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug lagu soo bandhigay ciidamo macawuusley ah oo kasoo jeeda dadka deegaanka, kuwaa oo sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Ciidankan lasoo bandhigay oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa isku xilqaaday ka qeyb qaadashada dagaalka, waxaana ciidankan kormeer ugu tagay lana hadlay saraakiil katirsan dowladda.

Saraakiisha ciidanka macawuusleyda hoggaamineysa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka Al Shabaab looga saarayo deegaannada Galmudug, gaar ahaan goobaha ay wali ka joogaan gobolka Mudug.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa Al Shabaab ka saaray deegaanno badan oo kuyaalla gobolka Mudug ay ku jirto Bacaadweyn.

Ad
Previous articleMadaxweyne Deni oo ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyay dhamaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii Mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay Garoowe.
Next articleFaahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here