Home Wararka Caalamka Madaxweyne Bashar alasad oo sanada Badan kadib Booqday Dal Carbeed(Sawiro)

Madaxweyne Bashar alasad oo sanada Badan kadib Booqday Dal Carbeed(Sawiro)

0

Madaxweynaha dalka Suuriya Bashar al-Assad, ayaa 11-sanno kadib booqashadii ugu horeesay ku tagay dal kuyaalla Khaliijka Carabta, waxaana booqashadan dhalisay hadal heyn aad u badan.

Bashar al-Assad, oo ku sigtay in xilka laga tuuro lagana qabsado caasimadda Dimish ayaa dib ula wareegay inta badan gobolada dalka Suuriya, waxa uuna caawinaad milatari ka helay dalalka Iiraan iyo Ruushka.

Madaxweynaha Suuriya ayaana booqasho ku tagay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa uuna halkaasi kulan arrimo badan looga hadlay kula qaatay Dhaxal Sugaha Imaaraadka Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan.

Kulankan dhax maray Madaxweynaha Suuriya iyo Amiir Sheekh Maxamed Zayed ayaa looga hadlay soo celinta xiriirkii labada dal ka dhaxeeyay iyo sidii Dowladda Imaaraadka gacan uga geesan laheyd dib u dhiska Suuriya iyo nabadeeda.

Amiir Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan. in Suuriya ay muhiim u tahay amniga waddamada Carabta, dalkiisana uu doonayo inuu xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya xukuumadda Dimishiq.

Wakaaladda Warraka WAM ayaa sheegtay in dowladda Imaaraadka u balanqaaday Madaxweynaha Suuriya in ay ka caawin doonaan arrimaha ammaanka , siyaasadda iyo sidoo kale arrimaha bini’aadanimada.

Dowladda Imaaraadka ayaa kamid aheyd dowladihii taageersanaa in taladda Siiriya laga tuuro Madaxweyne Bashar Al Asad, waxaana hada muuqda in Imaaraadka badaleen go’aankoodii hore kaddib markii lagu fashilmay in Bashar xilka laga tuuro.

Ad
Previous articleSomaaliland oo Ka Hadashay Hubka oo Dowlada Shiinuhu ugu Deeqay Dowlada Soomaaliya
Next articleAskar Ka Tirsan Ciidamada AMISOM oo Qarax Lagu Dilay iyo Faahfaahin Kasoo Baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here