Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Tababr usoo Xiray Ciidamo Cusub oo ka Tirsan Kuwa...

Madaxweynaha Galmudug oo Tababr usoo Xiray Ciidamo Cusub oo ka Tirsan Kuwa Galmudug(Sawiro)

0

Madaxwaynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidanka Police-ka kuwaasoo tababarĀ  kuqaatay magaalada Dhuusamarreeb.

Munaasadda tababarka loogu soo xiray ciidanka waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano katirasan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, wasiiro katirsan xukuumadda Galmudug, taliyaha qeybta police-ka guud ee Galmudug, gudoomiyaha ahna duqa caasimadda Dhuusamarreeb, iyo saraakiil katirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada police-ka Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray xusuusiyey waajibaadka ka saaran sugida amaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha la mid ah.

Qoorqoor ayaa xusay in maamulkiisa uu ku dedaalayo sidii ciidamadu u heli lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin wuxuuna ku booriyey iney ku dedaalaan gudashada waajibaadka ka saaran badbaadinta dalkooda iyo dadkooda.

Ad
Previous articleImisa Xildhibaan ayaa Hartay Xili Doorashada Gabagaba Marayso(Aqriso)
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Wasiir uu Horay xilka uga Qaaday caawa Dib u magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here