Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo Tababr usoo Xiray Ciidamo Cusub oo ka Tirsan Kuwa...

Madaxweynaha Galmudug oo Tababr usoo Xiray Ciidamo Cusub oo ka Tirsan Kuwa Galmudug(Sawiro)

0

Madaxwaynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa tababar usoo xiray cutubyo katirsan ciidanka Police-ka kuwaasoo tababarĀ  kuqaatay magaalada Dhuusamarreeb.

Munaasadda tababarka loogu soo xiray ciidanka waxaa kasoo qeyb galay xildhibaano katirasan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, wasiiro katirsan xukuumadda Galmudug, taliyaha qeybta police-ka guud ee Galmudug, gudoomiyaha ahna duqa caasimadda Dhuusamarreeb, iyo saraakiil katirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada police-ka Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray xusuusiyey waajibaadka ka saaran sugida amaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha la mid ah.

Qoorqoor ayaa xusay in maamulkiisa uu ku dedaalayo sidii ciidamadu u heli lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin wuxuuna ku booriyey iney ku dedaalaan gudashada waajibaadka ka saaran badbaadinta dalkooda iyo dadkooda.

Ad