Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Ardaydii Kaalmaha Ka galay imtixaanka Dowladda (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Ardaydii Kaalmaha Ka galay imtixaanka Dowladda (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta xarunta madaxtooyada kusoo dhaweeyay ardaydii Galmudug ee kaalmaha 1-aad, 9-aad iyo 10-aad ka galay imtixaanka guud ee dugsiyada sare ee dalka ee sanad dugsiyeedka 2020 2021.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ardayda dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay ka gaareen halgankoodii waxbarasho oo ay soo wadeen muddo dheer. Madaxweynuhu wuxuu shahaado sharafeed gudoonsiiyey Cawaale Axmed Awcali oo ah ardaygii kaalinta 1-aad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee dalka, Maxamed C/naasir Saciid, iyo Maxaad C/risaaq Maxamuud oo iyana galay kaalmaha 9aad iyo 10aad.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa wasaaradda waxbarashada ku ammaanay dadaalka ay ka geysteen sare u qaadida aqoonta iyo tayeynta waxbarashada.

Ad
Previous articleCiidamada Daraawiishta Galmudug oo La wareegay Gooba kale oo Muhiim ah (Sawiro)
Next articleWaxaa socdo dadaalo lagu xalinayo khilaafka hareeyay Guddiga doorashada Goballada waqooyi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here