Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Saraakiil Amisom Ah

Madaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Saraakiil Amisom Ah

0

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Kulanka ayaa looga wada hadlay amniga guud ee Galmudug, amniga doorashooyinka iyo sidii AMISOM gacan uga geysan laheyd howlaha suggidda amniga ee ka socda deegaanada Galmudug.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira ayaa balan-qaaday in AMISOM ay gacan ka geysaneyso sugida amaanka doorashooyinka Galmudug.

Danjire Francisco Madeira ayaa ku amaanay maamulka Galmudug iyo maamulada kale ee dalka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka dalka.

Ad
Previous articleDalka Canada oo lagu Dhaawacay Dhalinyaro Somali oo goob ku sugnaa
Next articleFanaan caan ah oo Muqdisho ku geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here