Home Wararka Somaliya Fanaan caan ah oo Muqdisho ku geeriyooday

Fanaan caan ah oo Muqdisho ku geeriyooday

0

Allaha ha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Aaden Shamuuri oo ka tirsanaa hoballada Waaberi.

Shamuuri oo fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii ayaa Caan ku ahaa heesaha iyo Jilista ruwaayadaha waxa uuna geeriyooday xanuuno haayay bilihii la soo dhaafay.
Maxamed Aden Abdiide oo loo yaqiin (Shamuuri) waxa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe waxaa uu fanka ku soo biiray horraantii 70aadka isaga oo ka mid ahaa kooxdii Yogol ee degmada Jowhar oo ay kawada tirsanaayeen isaga iyo fanaankii kale Daauud Cali Masaxaf.

Shamuuri 1975-kii ayuu ka qeybgalay barnaamjikii tartanka Heesaha Hirgalay isaga oo ku soo baxay kaalinta 1aad . Heesta ugu horeysay ee uu caanka ku noqday waxa ereyadeeda ka mid ahaa

“ Qalbi nabar ku yaalaan qaboobine

Qufac iyo kalgacal baan qarsoomin

Qoto dheere soo korodh

Igu qarax jaceylkee

Waxaad qabanse mooyaane”

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Saraakiil Amisom Ah
Next articleXubin sare ee Guddiga Dacwada badda ee Somaliya oo geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here