Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta ka qeybgalaya kulan uu shir gudoominayo Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay iskugu yimaadeen Madaxda DFS, Dowladaha Xubnaha ka ah DFS iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka oo socon doona laba maalin ayaa noqonaya shirkii ugu horeeyay ay si rasmi ah u yimaadaan madaxda DFS, DX ka ah DFS iyo Maamulka Gobolka banaadir kadib doorashadii madaxweynaha 10aad ee dhacday 15kii May 2022.
Ad