Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Faransiiska oo si weyn u dhaleeceeyay madaxda Afrika kuna Tilmaamay Munaafaqiin

Madaxweynaha Faransiiska oo si weyn u dhaleeceeyay madaxda Afrika kuna Tilmaamay Munaafaqiin

0

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si weyn u dhaleeceeyay hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika xilli uu ka jawaabayay su’aal ku saabsan dagaalka Ukraine isagoo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka Cameroon ee Yaoundé.

Macron wuxuu soo hadal qaaday waxa uu ku tilmaamay ‘munaafaqnimada qaaradda Afrika’ ay ku diiday in waxa ka taagan Ukraine uu yahay dagaal.

Qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa ka gaabsaday inay dhaleeceeyaan duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, bishii March ilaa 17 dal oo Afrikaan ah ayaa ka aamusay codeyntii ka dhacday Qaramada Midoobey ee lagu cambaareeyay duullaanka Ruushka.

Emmanuel Macron ayaa hadalkan sheegay xilli la kulmay madaxweynaha Cameroon Paul Biya.

Ad
Previous articleMadaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo Kulan gaar ah yeeshay (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay Qaraxii Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here