Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweynaha Falastiin oo ku Dhawaaqay Cida Badalaysa Markuu Geeriyoodo

Madaxweynaha Falastiin oo ku Dhawaaqay Cida Badalaysa Markuu Geeriyoodo

0

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa magacaabay qofka sida ku-meel gaarka ah xilka ula wareegi doona haddii uu geeriyoodo ama uu xilka ka tago, isaga oo waxa ka qabanaya walaaca laga qabo in firaaq dhinac awoodda ah uu dhaco marka uu xilka ka tago.

Bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii ayuu Cabbaas ku sheegay in guddoomiyaha Golaha Qaranka Falastiin uu si ku meel gaar ah u hayn doono xilka, wax aan ka badan 90 maalmood, xilligaasi oo ay tahay in la qabto doorasho madaxweyne.

Guddoomiyaha hadda ee guddiga ugu sarreeyaa go’aan gaarista Falastiin waa Rawhi Fattouh, oo 75 jir ah, oo sidoo kale muddo kooban soo noqday hoggaamiye ku-meel gaar ah ka dib geeridii Yaasir Carafaat ee 2004.

Cabbaas, oo 89 jir ah, waxa uu ahaa madaxweynaha Falastiin tan iyo 2005, waxaana sannadihii u dambeeyay uu wajahayey dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah, taasi oo keentay in la isla dhex maro cidda beddeli karta marka uu ugu dambayn dhinac istaago.

Cabaas ma lahan ku xigeen, waxaana ilo xog ogaal ah ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters horaantii bishan in Sacuudi Carabiya ay ku cadaadiyeen in uu mid magacaabo.

Ku dhawaaqidda uu Cabaas sameeyey Arbacadii ayaa meesha ka saaraysa hubanti la’aanta ku saabsan waxa dhici doona marka uu dhinto, laakiin Fattouh looma magacaabin ku-xigeenkiisa, taasi oo la macno ah inaan wali la aqoon cidda bedeli karta Cabbaas mustaqbalka fog.

Wasiirka beeraha ee Israa’iil, Avi Dichter, oo xubin ka ah golaha ammaanka gudaha, ayaa koox saxafiyiin shisheeye ah u sheegay toddobaadkan in ciidammada Israa’iil ay la wareegi doonaan Daanta Galbeed haddii qof ka tirsan kooxda Xamaas uu isku dayo inuu madaxweyne noqdo.

Cabbaas ayaa xilka loo doortay 2005 muddo afar sano ah, balse tan iyo xilligaas ma dhicin wax codbixin ah, waxaana hadda uu yahay mid dadku naceen, ayada oo ra’yi ururin la sameeyay bishii September ay muujisay in 89% Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ay doonayeen inuu xilka iska casilo.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dowladda oo la wareegtay degaanka Kulbiyow iyo 200 oo kamid ah Ciidamada Jubbaland
Next articleRaaskambooni maxay u tahay aag ay ciidamadu jecel yihiin in ay saldhig ka dhigtaan?