Home Wararka Maanta Madaxweynaha Dalka oo u duulay Wadanka Turkiga

Madaxweynaha Dalka oo u duulay Wadanka Turkiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka amba-baxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda dalka Turkiga xilliyaddii adkaa.

 

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Dalka oo Magacaabay xubna sar sare oo ka mid yahay Agaasimhii BBC farxaan jimcaale
Next articleR/W Xamza oo Kulan la qaatay hoggaannada tiirarka uu ka kooban yahay qorshe xukuumadda (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here