Home Wararka Maanta Madaxeyne putin: “Waa wax aan la rumaysan karin laakiin run ah,” ayuu...

Madaxeyne putin: “Waa wax aan la rumaysan karin laakiin run ah,” ayuu yiri. “Mar kale waxaa nasoo hujuumay taangiyada Leopard ee Jarmalka.”

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa duulaanka Ruushka ee Ukraine barbar dhigay la dagaalanka Nazi-ga Jarmalka, khudbad uu jeediyay sanadguuradii 80-aad ee ka soo wareegtay gabagabada dagaalkii Stalingrad.

Isagoo daliishanaya go’aanka Jarmalku uu taangiyada Leopard ugu dirayo Ukraine, wuxuu ku andacoodey in taariikhdu ay dib isu soo celinayso.

“Waa wax aan la rumaysan karin laakiin run ah,” ayuu yiri. “Mar kale waxaa nasoo hujuumay taangiyada Leopard ee Jarmalka.”

Jarmalku waa mid ka mid ah wadamo badan oo Ukraine ka caawiya inay difaacdaan dhulkooda.

Ruushku waxa uu bilaabay duullaan dhiig badan ku daatay, ku dhawaad ​​hal sano ka hor, taas oo keentay in dalalka reer galbeedka ay hub iyo gargaar u diraan dawladda Kiev.

Isagoo ka hadlayay Volgograd – magaca casriga ah ee Stalingrad – Mr Putin wuxuu ka dhawaajiyay inuu raadin karo inuu ka gudbo hubka caadiga ah.

“Kuwa rajeynaya in ay ka adkaadaan Ruushka goobta dagaalka ma fahmaan, waxay u muuqataa, in dagaalka casriga ah ee Ruushka uu aad uga duwanaan doono iyaga,” ayuu yiri hoggaamiyaha 70-jirka ah.

“Taangiyadayada uma direyno xuduudahooda, laakiin waxaan heysanaa si aan uga jawaabno, kuma ekaan doono isticmaalka qalabka gaashaaman, qof walba waa inuu fahmo.”

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo hadalka Mr Putin, balse wuxuu u sheegay warfidiyeenka in “sida hubka cusub ay u soo dhiibaan reer galbeedka, Ruushka ayaa si weyn uga faa’ideysan doona inuu ka jawaabo”.

Mr Putin ayaa ku sugnaa Volgograd si uu u xuso sanad guuradii ka soo wareegatay dhamaadkii dagaalkii Stalingrad, dagaalkii labaad ee aduunka.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa ku dhintay dagaalka – kii ugu dhiigga badnaa ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Stalin – oo hogaaminayay Midowga Soofiyeeti intii u dhaxeysay 1924-tii ilaa dhimashadiisa 1953-dii – ayaa lagu eedeeyay in uu abaabulay macluul ka dhacday Ukraine intii u dhaxeysay 1932-33.

Dhacdadan – oo loogu magac daray Holodomor by Ukrain – ayaa waxaa ku dhintey qiyaastii 5 milyan oo qof waxaana loo aqoonsaday inay tahay xasuuq horraantii toddobaadkan shir ka dhacay Bulgaria.

Geesta kale, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushku uu isku diyaarinayo inuu “ka aargoosto” reer galbeedka si ay u caawiyaan Ukraine.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleCiidamada Amniga Muqdisho oo Gacanta Kuso Dhigay Burcad Dhac iyo Dil gaysanaayay(Sawiro)
Next articleDil ka Dhacay Magaalada Laasacanaaod iyo Xiisad Hor leh oo ka Tagaan Magaladaas