Home Wararka Maanta Dil ka Dhacay Magaalada Laasacanaaod iyo Xiisad Hor leh oo ka Tagaan...

Dil ka Dhacay Magaalada Laasacanaaod iyo Xiisad Hor leh oo ka Tagaan Magaladaas

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil xalay magaalada Laascaanood loogu geystay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhayloos kaasoo ka mid ahaa maleeshiyada beesha la wareegtay Laascaanood.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Xamdi oo ay degan yihiin Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland kuwaasoo halkaas ugu sugnaa maalmahanba dejinta xiisada ka taagan magaalada.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya cida geysatay dilka wiilkan dhalinyarada ah oo la sheegay inuu hbeysnaa, qaarkood waxay sheegayaan iney dileen ciidamada Somaliland ee ilaalada ka haya Hotel dayax ka dib markii ay ka shakiyeen, halka warar kale sheegayaan inuu dilay nin kale oo ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka la wareegay magaalada.

Warar la wareejinaayey baraha bulshada ayaa sidoo kale sheegaya in qofka dilka geystay ay qabteen maleeshiyada gacanta ku heysa inta badan magaalada Laascaanood.

Xalay ilaa saaka ayaa siweyn waxaa siweyn Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool looga dareemay dilka loo geystay Axmed Dhayloos, waxaana xusid mudan in Magaalada ay ku sugan yihiin Wasiiro katirsan Xukuumadda Somaliland.

Dilka xalay Magaalada Laascaanood loogu geystay Axmed Dhayloos oo ka mid ahaa dadka waday kacdoonka ka dhanka ah Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli magaalada uu ka socdo Shir looga hadlayo mustaqbalka Gobolka Sool, sidoo kalena weli aan xal laga gaarin xiisada ka taagan Magaaladaas.

Ad
Previous articleMadaxeyne putin: “Waa wax aan la rumaysan karin laakiin run ah,” ayuu yiri. “Mar kale waxaa nasoo hujuumay taangiyada Leopard ee Jarmalka.”
Next articleSweden oo Afar Qof u xirtay Qaraxyada ka dhacay Caasimada Stockholm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here