Home Wararka Maanta Madaxda Mucaaradka Oo Digniin Culus u Diray Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxda Mucaaradka Oo Digniin Culus u Diray Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan Madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore ayaa bayaan ay soo saareen waxay si adag uga horyimaadeen hadal dhawaan uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiska golaha wadatashiga qaran, isaga oo markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale.

“Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Mucaaradka oo daba socda hadalka Madaxweynaha ayaa bayaanka ay soo saareen waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxweynaha uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka dalka.

“Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tallaabsado siyaasad kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed xilli loo baahan yahay in dalka lagu mideeyo la-dagaallanka argagixisada.”

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay shacabka ku wargeliyeen in aan marnaba la aqbali doonin in dalka lagu hoggaamiyo tallo ana loo dhameyn una horseedaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed qalalaase iyo kala qoqobnaan.

“Haylka dowladnimada ee hadda inoo dhisan waa heshiis ay galeen dadka Soomaaliyeed wax ka beddelkiisana ay muhiim tahay in laga qeyb galo dhamaan bulshada Soomaaliyeed loona maro dariiq Dastuuri ah.”

Sidoo kale waxay ka digeen in khatar la gelin nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed lagana foojignaado waxkasta oo shaki gelin kara awood qeybsiga, dalkana u horseedi kara dib u dhac.

“Madaxweynaha ma lahan awood dastuuri ah oo uu go’aan uga gaari karo inta xisbi ee uu dalku yeelanayo ama nooca dowladeed ee dalku qaadanayo ee waa in lagu saleeyaa tallo loo dhan yahay oo la isla ogol yahay, waafaqsana shuruucda dalka u degsan.”

Madaxweynaha ayay ugu baaqeen in uu joojiyo fara-gelinta joogtada ah ee uu ku hayo hay’adaha sharci dejinta dalka una madax baneeyo howsha loo igmaday, iyaga oo ku booriyayna Baarlamaanka in ay gutaan masuuliyadii loo igmaday, islamarkaana ay dhowraan Dastuurka iyo shuruucada dalka.

Bayaanka Mucaaradka ayaa ugu dambeyntiina waxaa beesha caalamka loogu baaqay in ay isha ku hayso xaaladda murugsan ee uu dalku ku sugan yahay.

Waxaa si wadajir ah u soo saaray bayaankan; Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, Cabdiweli Sheekh, Xasan Cali Kheyre, Ridwaan Xirsi Maxamed, Dr Cabdinuur Sheekh, Hon. Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr Cabdinaasir Cabdulle.
Ad
Previous articleWararkii ugu dambeyay ee Qasa iyo Marinka Rafax oo la’ furayo
Next articleGudoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Gaaray Magaalada Xudur iyo laftagareen oo asna Ku wajahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here