Home Wararka Caalamka Maanta Maxaa ka dhacay Afisyooni ?

Maanta Maxaa ka dhacay Afisyooni ?

0

 

Beesha Caalamka ayaa kulan kula qaadatay teendhada Afisyooni, Madaxwayne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyada oo ay shirkaasi dalbatay beesha Caalamku.

Waxaa looga hadlay saamaynta ay muddo kororsigu ku keentay xaaladda dalka iyo in la helo waddo looga bixi karo xiisadda siyaasadeed ee gacan ka hadalka ku dhaw èe ka taagan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wali ma aanan helin natiijada shirku ku dhamaaday, balse ha iga fogaanin ee ila soco.

Deegaanka Shiirkole ayaa hadda waxaa ku sii qulqulaya saraakiil iyo odayaal dhaqmeed ka soo jeeda beesha Mudulood, kuwaas oo ka qaybgalaya shir jaraa’id oo ay si wadajir ah halkaas ugu qabanayaan Xildhibaanada, Saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac.

Waxaa kale oo socda shirar gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda midawga musharixiinta iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwaas oo la ii sheegayo in ay ku qotamaan sidii loo dajin lahaa xiisadda taagan, loona aadi lahaa wado nabadeed.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleHooyga Saadaq Joon oo Warbaahinta Looga yeeray iyo xildhibaano abgaal ah oo Gaaray Guriga saadaq
Next articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Kulan la qaaday Saraakiisha Ciidamada (Sawiro)