Waxaa looga hadlay saamaynta ay muddo kororsigu ku keentay xaaladda dalka iyo in la helo waddo looga bixi karo xiisadda siyaasadeed ee gacan ka hadalka ku dhaw èe ka taagan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Wali ma aanan helin natiijada shirku ku dhamaaday, balse ha iga fogaanin ee ila soco.
Deegaanka Shiirkole ayaa hadda waxaa ku sii qulqulaya saraakiil iyo odayaal dhaqmeed ka soo jeeda beesha Mudulood, kuwaas oo ka qaybgalaya shir jaraa’id oo ay si wadajir ah halkaas ugu qabanayaan Xildhibaanada, Saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac.
Waxaa kale oo socda shirar gooni gooni ah oo ay yeelanayaan madaxda midawga musharixiinta iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida, kuwaas oo la ii sheegayo in ay ku qotamaan sidii loo dajin lahaa xiisadda taagan, loona aadi lahaa wado nabadeed.
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,