Maamulka SSC ayaa lagu wadaa inay sii daayaan qaar ka mid ah maxaabiistii 25-kii bishii tagtay lagu qabtay dagaalkii Goojacadde.
Sida aanu xogta ku helayno waxaa dadka haatan lasii daynayo ay yihiin ilaa 4 maxbuus oo ay ku jiraan 2 nin oo qaba dhaawacyo daran.
Waxaa kale oo lasii daynayaa 2 qof oo kale oo kala ah haweenay xaas u ahayd mid ka mid ah taliyayaashii ciidanka Somaliland iyo wiil yar oo 16-jir ah.
Waxaa la sheegay in sidoo kale la sii dayn karo maxaabiista kale ee dhaawacan iyadoo loo eegayo xaalad bini’aadminnimo waxaana lagu wareejinayaa laanqayrta cas ee ICRC.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad