Home Wararka Maanta Xagee ku dambeeyaa kiiskii Sheegoow oo dhawaan ay xirtay dawladda Soomaaliya?

Xagee ku dambeeyaa kiiskii Sheegoow oo dhawaan ay xirtay dawladda Soomaaliya?

0

Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la horgeeyay mooshin lagu sheegay in uu yahay mid caddaalad loogu raadinaayo Sargaal hore sheegow Axmed Cali oo ku magacdheer ‘Janaraal Sheegow’ oo badhtamihii bishii hore ee August lagu xidhay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madobe oo shir guddoomiyay kal-fadhiga baarlamaanka ayaa qabtay mooshinka oo ay soo gudbiyeen mudanayaasha baarlamaanka ku matala sargaalka, kaddib markii ay ka dalbadeen in lagu soo daro ajendaha kal-fadhiga maanta.

Gudoomiye Aadan Madoobe ma bixin faahfaahin ku saabsan mooshinka balse Xildhibaan Maxamed Cumar Caymooy oo baarlamaanka ku metala Sheegow, ayaa madasha ka akhiryay waxa uu daaran yaahay mooshinkoodu.

“Haddii aan dhacdooyinka nuucaan ahi laga hadlin, waxaa ay joogteyneysaa xad-gudubyadda sharaf dhaca iyo xurmo dilka xuquuqda muwaadiniinta, taas oo dastuurku KMG damaanad qaaday” ayuu yidhi Xildhibaan Caymooy.

Dhinaca kale xildhibaan Jeego oo taageeray mooshinka laga keenay xadhiga sargaalka ayaa sheegay in xadhiga Sheegow aan loo marin hab-raacyada iyo xeerarka u yaala dalka ee la xidhiiidha dacwad oogista, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidan la yidhaahdo Boolis Militaaro oo looga talo galay in cadowga ay dadka ka ilaaliyaan magaaladan Muqdisho ayaa fuliyay howlgalka, shuqulna kuma laheyn.” ayuu yidhi Xildhibaan Jeego.

Halkee Ku Xidhan Yahay Sheegow?

Kaddib dagaal culus oo qarxay fiidkii hore ee 18-kii bisha August isla markaana socday ilaa Barqadii 19-ka bisha oo u dhaxeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya iyo maleeshiyo uu hoggaaminayay sargaal hore Sheegow ayay ugu danbeyntii laamaha ammaanka ee Soomaaliya waxaa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan sargaalka iyo qaar kamid ah ciimadadiisa.

Ciidamada ammaanka ayaa wixii intaa ka danbeeyay u dhaadhiciyay Sheegow saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeenley halkaasi oo uu ku xidhnaa mudo laba cisho ah.

Laba Cisho kaddib, ciidamada booliska ayaa u wareejiya Sheegow xarunta danbi baadhista ee CID-da ee Muqdisho halkaas oo uu ku xidhnaa 8 cisho, sida uu BBC-da u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy.

Kaddib 8 Maalmood oo uu xidhnaa xarunta CID-da ayaa loo wareejiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho, halkaas oo uu ilaa iyo hadda ku xidhan yahay.

Qaar kamid ah xildhibanada matala ayaa sheegay in uu caafimaad ahaan wanaagsan yahay sargaalku islamarkaana uu hadda maxkamad suge yahay.

Booliiska ayaa horay u sheegay in maleeshiyada Sheegow ay dhac ka gaysteen gudaha Muqdisho taas oo sababtay in ugu danbeyntii gacanta lagu soo dhigo.

Haddaba maxaa laga damacsan yahay Sheegow?

Seddax toddobaad kaddib qabashadiisa ayaan illaa iyo hadda maxkamad la horgeyn Sheegow, isaga oo ku jira xabsiga.

Ehelada sargaalkan ayaa goor hore ka dalbaday dowladda in caddaaladda la horgeyso Sheegow lagulana xisaabtama wixii uu gaystay, ama dib uu u helo xorriyadiisa.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa ka cudur daaratay in ay ka hadasho kiiska sargaalkan.

Sidoo kale, qaar kamid ah masuuliyiinta dawladda Soomaaliya oo aan doonayn inaan magacyadooda soo xigano waxay sheegen in arrinta sarkaalkaan ay tahay mid siyaasadeysan oo aan si dhab ah looga hadli karin halka ay du dambayn doonto.

Ad
Previous articleMahad Salaad iyo Qoor Qoor oo Gaaray Degaanka Ceelgaras oo Mantay Alshabaab laga Saaray(Sawiro)
Next articleMaamulka SSC Khaatumo oo sii daynaya qaar ka mid ah maxaabiista ay hayaan + Sababta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here