Home Wararka Somaliya Jubbaland Maamulka jubland oo jawaab yaab leh ka bixisay diyaaraddii laga soo celiyay...

Maamulka jubland oo jawaab yaab leh ka bixisay diyaaraddii laga soo celiyay Gobalka Gedo

0

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi cusub bixiyay ayaa war la yaab leh kasoo saaray is hortaaggii shalay lagu sameeyay diyaaraddii sidday guddoomiyaha cusub ee  gobolka Gedo, kadib markii laga soo celiyay garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey.

Sayid Aadan ayaa sheegay in diyaaradda aan lasoo celin, balse uu damay gacankii laga hagayay, taas oo ay keentay inay weyso xiriirka garoonka, kadibna ay soo laabatay.

“Maanta diyaaraddii baxday gacankii laga hagayay ayaa la damiyay ama ka damay oo batari la’aan ayaa ku dhacday, marka diyaaraddii marka ay weysay xiriir garoonka ah ayay dib u noqotay” ayuu wareysiga ku yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray siyaasiyiinta Gedo ku sugan oo uu ku eedeeyay inay isbaaro dhigteen gobolka, ayna kasoo horjeedaan horumarka bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo hadalkiis sii wata ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay sugtaan doorashada, haddii ay rabaab isbeddal.

“Siyaasiyiinta roolkooda waa inoo ahaado isbeddalka Jubbaland oo ay raadinayaan, haddii uu xilliga dhammaado doorasho ayaan qabaneynaa waa inay tartamaan, laakiin isbaaro inay gobolkaas dhigtaan oo umadda gobolka lug gooyaan wax macno ah oo ay sameneyso ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in guddoomiyaha cusub ee Gedo, Cabdullaahi Cadbi Jaamacuu  tegi doono Garbahaarey, ayna diyaar u yihiin bulshada deegaanka.

“Guddoomiyaha wa tegaa, bulshada dadka deegaanka, waxgaradka iyo maamulka heer degmo iyo heer gobol diyaar ayay u ahaayeen” ayuu sii raaciyay.

Xaaladda Gedo ayaa mar kale soo laba kacleysay, kadib markii uu dhowaan maamul cusub gobolkaasi u magacaabay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ad
Previous articleEritrea oo 16 sano kadib dib ugu biirtay urur goboleedka IGAD iyadoo horraan uga baxday Soomaaliya awgeed
Next articleCatriona oo Baydhaba Gaartay Lana Kulantay Laftagareen Maxay Ka Wada Hadleeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here