Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Catriona oo Baydhaba Gaartay Lana Kulantay Laftagareen Maxay Ka Wada Hadleeen(Sawiro)

Catriona oo Baydhaba Gaartay Lana Kulantay Laftagareen Maxay Ka Wada Hadleeen(Sawiro)

0

Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa shalay gaartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Catriona Laing ayaa waxaa madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo uu wehlinaayeen wehlinayeen Wasiiro, La-taliyaal iyo sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi.

Ugu horreyn Ergeyga QM ee Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa ugu mahad-celisay Laftagareen iyo golaha wasiirada soo dhoweynta ay u sameeyeen, maadaama ay booqashadeedii ugu horreysay ku gaartay maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in socdaalkeeda uu ku qotomo isbarasho iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha shaqo ee ay QM ka wado guud ahaan Koonfur Galbeed.

Intaas kadib labada dhinac ayaa yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin taageerida wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, xoojinta hirgelinta mashariicda hormarineed ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ku soo noq-noqday dalka.

Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaabinta ayaa ka warbixiyay ujeedka kulankooda, wuxuuna sheegay inuu daarnaa wada shaqeynta dhex-marta labada dhinac, maadaama haweeneyda ku cusub tahay xafiiska oo mardhow loo soo magacaabay.

“Aad ayaa u soo dhaweyneynaa imaatinkeeda, waxaana ku kala tageynaa is faham fiican iyo wada shaqeyn,” ayuu yiri madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Waa maamul goboleedkii saddexaad oo ay booqaneyso Catriona Laing oo todobaadkii hore soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna horay u tegay Puntland iyo HirShabelle.

Waxaa kale oo a horay si gooni gooni ula kulantay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo ay kala hadashay xaaladda dalka, gaar ahan bani’aadanimada.

Ad
Previous articleMaamulka jubland oo jawaab yaab leh ka bixisay diyaaraddii laga soo celiyay Gobalka Gedo
Next articleGacan ku Dhiiglihii Dikay Maxamad Axmad Bisle oo Gacanta Lagusoo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here