Home Wararka Maanta Maamulka Jubbaland oo kasoo horjeestay in ciidamada ATMIS laga saaro gudaha waddanka...

Maamulka Jubbaland oo kasoo horjeestay in ciidamada ATMIS laga saaro gudaha waddanka Soomaaliya

0

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi gaar ah siiyay VOA-da ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS oo ay si weyn u dooneyso dowladda federaalka, ayada oo la filayo in dhammaanka sanadka 2024 ay ka baxaan dalka.

Sayid Aadan ayaa ka horyimid qorshahan, isaga oo uu tilmaamay inuu yahay mid aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Jubbaland ay ka walaacsan tahay qorshaha bixita ATMIS, maadaama weli dalka uu ka socdo guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa xusay haddii aan laga fiirsan arrintan in fursad weyn ay heli doonaan Al-Shabaab oo haatan halis ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay marar badan isku dayeen in la hakiyo qorshahan, balse laga dhaga fureystay, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeyso dowladdii hore.

“In la hakiyo ayay ahayd, marar badan waan codsanay, madashana way kawada hadleen, laakiin sida la qorsheeyay waxaa ka go’an ciidamada ATMIS inay dalka ka baxaan, waxaana qorshahaas ka dambeeyay dowladdii hore,’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Dhanka kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Soomaaliyeedn aysan xilligan la wareegi karin amniga dalka, wuxuuna sheegay inay u baahan yihiin fursado kale.

Wuxuu ku taliyay in laga hortego isku-dayada Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay sameyn karaan falal aargoosi ah oo ka dhan ah dadkii iyaga kasoo horjeeday.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday in ATMIS ay dalka ka baxeyso, amnigana ay la wareegayaan ciidamada Xoogga dalka, waxaana haatan bilowday fulinta qorshahan, maadaama 7 saldhig ay wareejiyeen ciidamada ATMIS.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada Israa’iil oo isaga baxay Daanta Galbeed
Next articleTuugadii ugu caqliga liidatay ee isku dayay in ay dhac gaystaan oo Qaab Cajiib ah Gacanta Loogu Dhigay