Home Wararka Maanta Ciidamada Israa’iil oo isaga baxay Daanta Galbeed

Ciidamada Israa’iil oo isaga baxay Daanta Galbeed

0

Ciidamada Israel ayaa saaka oo Arbaco ah ku dhawaaqay in lasoo afjaray hawlgal laba maalmood socday oo ay ka wadeen deegaanka Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, kaasi oo lagu dilay 12 falastiiniyiin ah iyo hal askari oo Israa’iili ah.

“Howlgalku si rasmi ah ayuu u soo dhammaaday, ciidamaduna waa ay ka baxeen deegaanka Jenin,” ayay tiri afhayeen u hadashay ciidamada oo la hadashay wakaaladda wararka ee AFP.

Milatariga Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee shalay billaabay duullaanka ay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin, iyadoo amarkan uu bixiyay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Duullaankan oo ah kii ugu weynaa ee ay Israa’iil ka fuliso Daanta Galbeed muddo sanado ah, waxaana ka qeybqaatay boqollaal askari iyo sidoo kale duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo cagaf-cagafyada ciidamadu ay ku burburiyeen waddooyinka.

Israa’iil ayaa markii dambe duqeymo cirka ah ku qaadday marinka Qaza kaddib markii ay ka hortagtay shan gantaal oo Israa’iil looga soo riday dhulka ay go’doomisay ee Falastiin.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in weerarku uu ku dhacay goob militari oo kooxda Xamaas ay ku leedahay waqooyiga Qaza balse ma uusan geysan wax khasaare ah.

Ad
Previous articleGaraad Jaamac: “Dowladda Soomaaliya ha caddeyso mowqifkeeda Laascaanood”
Next articleMaamulka Jubbaland oo kasoo horjeestay in ciidamada ATMIS laga saaro gudaha waddanka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here