Maamulka Gobalka oo Ciidamao joojiya Doorashada U Diray Ceelwaaq

Ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa qorsheynaya inay tagaan magaalada Ceelwaaq, oo la filayo inay ka dhacdo doorashada 16 kursi oo ka mid ah golaha shacabka, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Mudug24.

Ciidamadan ayaa sida la sheegay isku dayaya inay joojiyaan doorashada halkaas ka dhaceysa ee uu wado maamulka Jubaland, kadib markii laga soo wareejiyey Garbahaarey, balse ma cadda sida ay ugu guuelysan doonaan.

Ceelwaaq ayaa ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la filayaa in amniga doorashada halkaas ay sugaan ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM, sida ay xog ku heshay Mudug24.

Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya ciidamo taabaacsan madaxweyne Farmaajo oo isugu jira xoogga dalka iyo NISA, gaar ahaan qeybta Duufaan, waana mid ka mid ah sababaha maamulka Jubaland u diiday inuu doroasho ku qabto Garbahaarey.