Home Wararka Maanta Maamulka gobalka Hiiraan oo Sheegay inay Soo Afjareen Dagaalki Baladweyne

Maamulka gobalka Hiiraan oo Sheegay inay Soo Afjareen Dagaalki Baladweyne

0

Xili ay saacada ku beegneyd abbaare 7:00pm Todobadii fiidnimo Taariikhdana ay ahayd 30-ka December 2021 xili ay safar shaqo ka soo laabteen Degmada Feer-Feer Gudomiyaha Gobalka hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan Wasiirka Tamarta iyo biyaha Maamulka Hirshabelle Taliyaha Guutada 5aad Taliyaha qeybta Booliska Gobolka hiiraan iyo masùuliyiin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan oo ku guda jiray Howlahooda shaqada qaran ayaa waxaa Rasaas huwiyey Gaarigii ay saarnaayeen Maleshiyaad hubeysan oo u Hogaaminayay Shaqsi lagu magacaabo Nuur dheere.

iyadoo falalka noocan oo kale ah ay caado u aheyd kooxaha nabad diidka ah in kolanyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu ahaa fal-huwan Halistiisa waxaana la Horgeyn doona Maxkamada awooda u leh Cidii ka Dambeysay.

Falkaas kadib ciidamada qalabka sida iyagoo ka duulayo masuuliyada amni ee saaran iyo falka dhacay ee lagu weeraray masuuliyiinta ku Guda jiray gudashada waajibkooda shaqo waxay sameeyeen howlagal lagu soo afjaraayo Burcadii Jidka u Gashay masuuliyiinta heer Maamul iyo heer wasiiro.

Waxaa lagu soo qabqabtay hub iyo Maleeshiyaadkii dagaalamayay.

Maamulka gobolka Hiiraan ee dowlad goboladeedka Hirshabelle waxaa masuuliyad ay ka saaran tahay ka shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobolka cidna laga Aqbali Maayo Qal-qal Gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beladweyne .

Iyadoo hadda amniga Guud ee magaalada ay si buuxdo u ilaalinayan Ciidamada Qalabka Sida ee soomaaliyeed.

Madaxda sare ee Maamulka Hirshabelle iyo Maamulka gobalka Hiiraan waxuu Tacsi u Dirayaa shacabkii ay wax yeelado ka soo gaartay falkaas foosha xun inta dhaawaca ahne eebe cafmaad Taama ha siiyo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleLiverpool oo dalab ka gudbineysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie
Next articleMidowga Africa oo ka Hadlay Khilaafka Raysulwasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo