Home Wararka Somaliya Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo Bilaabay Dadajinta Doorashada Kadib Hanjabaadii Maraykanka

Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo Bilaabay Dadajinta Doorashada Kadib Hanjabaadii Maraykanka

0

Dowlada Mareykanka ayaa marar badan ku cel celisay in talaabo adag ka qaadeyso masuuliyiinta caqabada ku ah habsami u socodka doorashada Soomaaliya oo mudo sanad ah ka dib dhacday xiligii horey loogu qorsheeyay.

Mareykanka ayaana hanjabaadii ugu dambeeyay ku shaaciyay hadii doorashada Soomaaliya mar kale ka dib dhacdo xiliga loo qorsheeyay ee dhamaadka bisha febraayo in ay qaadi doonaan talaabooyin adag oo ka dhan ah kuwa caqabada ku ah doorashada.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo si weyn isha loogu hayo ayaa iyaga oo fulinaya heshiiskii shirka golaha wadatashiga qaran sidoo kale ka cararaya hanjabaada dowlada Mareykanka waxa ay shaaciyeen qaarkood qabashada doorashada kuraas badan.

Hanjabaada Mareykanka ayaana la sheegay in ay saameyn ku yeelan karto madaxda maamulada qaarkood iyo masuuliyiinta kale ee doorashada caqabada ku ah, waxaana masuul kastaahi hada ka cararayaa in dhibatao uga timaado Mareykanka.

Waxaana la filayaa in dowlad goboleedyada iyo magaalada Muqdisho si rasmi ah oo dar dar leh dhawaan uga bilaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jiray.

Doorashada golaha shacabka ayaana ku bilaabatay nidaam caajis ah oo maamul goboleedayad marba dhoor kursi shaacinayeen, hasa ahaatee waxaa hada muuqata in maamul goboleedyada ay boobsiinayaan dooarshada si waqtigii loo qorsheeyay aysan u dhaafin.

Ad
Previous articleAlshabaab oo weearar Khasaaro Dhaliyay ka Gaystay Gudaha Dalka Kenya
Next articleGeneraal Biixi oo Gaaray Baladweyne iyo Generaal Xuud oo Lafilaayo in Maantay lala Heshiiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here