Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ma Dhabaa in Xubin ka Tirsanaa Alshabaab uu Kuso Biiray Baarlamaanka Soomaaliya(Xog)

Ma Dhabaa in Xubin ka Tirsanaa Alshabaab uu Kuso Biiray Baarlamaanka Soomaaliya(Xog)

0

Baaris in muddo ah qaadatay oo ay sameysay Mudug24 ayaa sheegaysa in Xildhibaan Cali Xaaji Aadan oo deegaan doorashadiisa tahay gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Baladweyne uu horay ugu tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Baarista aan sameysay ayaa sheegaysa in xildhibaan Cali Xaaji Aadan uu horay uga tirsanaa wilaayada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Ceel Cali oo uu kasoo jeedo dhalasho ahaan.

Muuqaal aan helnay ayaa muujinaayo Cali Xaaji Aadan oo dhex fadhiya qaar ka tirsan wilaayada Al-Shabaab ee Ceel Cali isla markaana waxaa lagu soo dhoweynayaa microphon-ka si furitaanka xaflad wilaayada Al-Shabaab ku qabteen Ceel Cali ka jeediyo kelmad uu kaga hadlayay wiilayada isagoona u mahad celinaayo Al-Shabaab iyo wilaayada Ceel Cali.

Waxaan isku daynay inaan helno xildhibaanka si aan wax ugu weydiino waqtigii iyo meeshii uu kaga baxay ama uu kaga tanaasulay ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, balse nooma suuragelin.

Tani waxay dhaawacaysaa sharafka iyo in qatar weyn u horseedi doontaa dalka iyo amniga xildhibaanada iyo madaxda qaranka, inkasta oo xubno badan oo horey Al-Shabaab u ahaa ay ku jiraan dowladda.

Xubnaha lala xiriirinaayo inay ka mid ahaayeen Al-SHabaab ee soo galay baarlamaanka ayaan kow ka aheyn Xildhibaan Cali Xaaji Aadan, waxaana ku jiro tiro xildhibaano ah oo xilal kale ka haaya dowladda, kuwaasi oo aysan jirin meel ay ku shaaciyeen inay ka tanaasuleen fikradii Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay sharaf dhac ku tahay guddiyada doorashada ee loo igmaday doorashada xildhibaanada qaran inay kala saari waayeen xubnaha kusoo biiray baarlamaanka inay mudan yihiin xilka ay qaranka u qabanayaan iyo in taasi ay muujineyso inaysan sameyn raad raac iyo baaris la marsiiyay xildhibaanada qaran, waana sababta hadda loo xayiray kuraas badan oo aan marin habraacii iyo shuruudihii laga rabay xildhibaanada qaran

Ad
Previous articleOdayaasha Soo Xulaaya Ergada Soo Dooranaysa HOP140 oo la Shaaciyay
Next articleDad Badan oo lagu laayay boosteejo Tareenada Laga Raaco ee Dalka Ukrain(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here