Home Wararka Somaliya Lix kursi oo Ka mid Noqonaaya Golaha Shacabka ayaa Mantay La Dooranayaa...

Lix kursi oo Ka mid Noqonaaya Golaha Shacabka ayaa Mantay La Dooranayaa Xili Qilaaf Xoogan u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble

0

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ka bilaabato doorashada Xildhibaanadsa gollaha shacabka, waxaana maanta la dooranayaa ilaa lix Xildhibaan.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa soo gabagabeeyay diiwaan gelinta musharaxiinta ku tartamaya kuraasta gollaha shacabka ,waxaa sidoo kale la diyaariyay odayaasha iyo ereyda kuraastan dooraneysa.

Doorashada maanta ka bilaabaneysa magaalada Kismaayo ayaa imaaneysa xili ay jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweyne Framaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble sidoo kale jiro khilaaf u dhaxeeya Guddiyada doorashada iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

 

Halkan ka akhriso kuraasta maanta lagu dooranayo Kismaayo

1- HOP-082 waxaa ku tartamaya Siyaad Aadan Iidle iyo Cabdirashiid Jire Qalinle.

2- HOP 108 waxaa ku tartamaya Maxamed Cali Cumar iyo Ibraahim Cabdulle Ibraahim

3-HOP 203 oo ay ku tartami doonaan Xamse Cabdi Barre iyo Axmed Maxamed Maxamuud.

4-HOP-113 waxaa ku tartamaya Saynab Cali Muganga iyo Maryan Aweys Jaamac oo ah Wasiirka Dekadaha Soomaaliya.

5- HOP-134 waxaa ku tartamaya Sahra Jaamac Cali iyo Fartuun Axmed Yuusuf

6- HOP-217 waxaa ku tartamaya Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare iyo Maxamed Farax Muxumed.

Ad
Previous articleDeg Deg Dagaal Ka socda Magaalada Muqdisho
Next articleWasiirka Amniga oo amar Ku baxshay in 48saac Lagu Soo Gudbiyo Kiiska Mukhtar Roboow Xili Laftagareen la saftay Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here