Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Lafta-Gareen Oo Fariin Culus U Diray Siyaasiyiinta Diidan Mudo Kororsigiisa.

Lafta-Gareen Oo Fariin Culus U Diray Siyaasiyiinta Diidan Mudo Kororsigiisa.

0

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay dooda ka taagan sharci ahaanshaha mudo kordhinta halka sano ah ee loo sameeyay.

Lafta-gareen oo ka hadlayay munaasabad xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo oo loogu dabaal dagayay sanad guuradiisaa 4aad ee uu xilka hayo ayaa si cad u sheegau in arrinta mudo kordhinta ay tahay mid ay u sameeyeen baarlamaanka Koofur Galbeed.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku sii daray in cida kaliya ee awood u leh diidmada halka sano ee mudo xileedkiisa loogu daray ay yihiin isla baarlamaankii hore ugu ansixiyay arrintaas.

“Mas’uuliyadda muddo kordhinta waxaa iska leh Baarlamaaanka, maalinta berri ah wixii ay Baarlamaanka ka qabaan ayaan ka qabaa. Shalay habkii loo maray ayey u baahan tahay in loo maro, haddii la rabo in la’iska daayo,” ayuu yiri Laftagareen.

Lafta-gareen ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday kooxda la badxday bad-baadada Koofur Galbeed, isagoo kula taliyay iney u jiheystaan dagaalka Shabaab oo aan arrin kale laga yeeleynin.

“Badbaadada Koonfur Galbeed wax la yiraahdo ma jiraan, badbaadada Koonfur Galbeed ninka raba Shabaab ayaa heystee haka badbaadiyo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdicasiis Laftagareen.

Si kastaba, xafladda sanadan ee mudada xil heynta Lafta-gareen ayaa ka meeqaam hooseysay kuwii hore, iyadoo aaney ka qeyb galin madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana kuraastii hoolka xafladsa camiray dhalinyaro laga kaxeeyay magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb Dib ugu laabatay(Sawiro)
Next articleSidee Messi iyo xulka Arjentina loogu soo dhoweeyey dalkooda hooyo? (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here