Home Wararka Maanta Laba eedaysane oo Gudaha Maxkamad jowhar oo uu ku Dhex...

Laba eedaysane oo Gudaha Maxkamad jowhar oo uu ku Dhex Toogtay Qofkii soo eedeeyey

0

Labada qof ee lagu dilay maxkmadda Jowhar waxa ay ku eedeysnaayeen dilka wiil yar oo uu dhalay askari ka tirsan ciidanka deegaanka ee Jowhar, isla Askariga wiilka dhalay ayaana dilay labada eedeysane.

Arrintaan ayaa sumcad darro weyn ku ah hanaanka garsoorka ee maamulka Hirshabelle, Waxaana Goobta isaga Baxsaday Askirigii Laayay eedaysanayaasha asaga u eedaysanaa.

Maamulka Hirshabeele ayaana Wali Ka Hadlin Arinkaan Layaabka leh ee Goordhow Ka Dhacay Gudaha Maxkamada Jowhar.

Meydka Wiilka Yar ee uu Dhalay Askariga Dilay Maxaabiistaan ayaa Maalmo Ka hor laga Helay Kanaalka Barwaaqo ee Xaafada Jowhar Asagoo aad loo Jirdilay Xarigna Qoorta Looga Xiray.

Askariga Dilay  Maxaabiistaan ayaa Ka Tirsanaa Ciidamo La magac Baxay Afjar oo Saldhigoodu yahay Deegaanka Xawaadleey Halkaas ayaana La Sheegay Inuu Ubaxsaday.

Ad
Previous articleDowlada Jabuuti oo Iska Fogaysay inay Soomaaliland Hub Ku Taageertay Xili eed culus loo jeediyay
Next articleKumanaan qof oo doonaya in ay korsadaan gabadhan yar ee laga soo saaray burburka dhisme ku dumay Dhulgariirki Dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here