Home Wararka Somaliya Somaliland Laasacaanood:”Albaabka guriga ayuu ka baxay wax yar ka dib gariir ayaa dhacay...

Laasacaanood:”Albaabka guriga ayuu ka baxay wax yar ka dib gariir ayaa dhacay banaanka ayaan u soo baxay waxaana arkay meydka walaalkay”

0

Illaa 4 ruux ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, sida laga soo xigtay qaar ka mid isbitaallada magaalada.

Dagaallo goo goos ah ayaa ka dhacay goobaha bariga iyo waqoooyiga kaga aaddan magaalada, kaas oo bilaabmay saaka waaberigii.

“Albaabka guriga ayuu ka baxay wax yar ka dib gariir ayaa dhacay banaanka ayaan u soo baxay waxaana arkay meydka walaalkay oo waddada yaalla,” sidaa waxaa Warabaahinta  u sheegay mid ka mid ah dadka ku nool Laascaanood.

Goobaha saaka dhibaatada soo gaartay ayaa waxaa ka mid ah dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, meelo kale oo isbitaalka guud ka mid ah, meel kayd u ah shirkad gaaska iibisa iyo guryo aad u badan.

Dagaalkan oo haatan istaagey ayaa sababay inay gebi ahaanba xirmaan suuqyadii magaalada.

Guddiga maamulka SSC ayaa ku eedeeyey in ciidamada Somaliland weerar ku soo qaadeen magaalada iyaguna ay iska difaaceen oo ku celiyeen halkii ay ka soo duuleen.

Somaliland weli wax war ah kama soo saarin.

Ad
Previous articleHoggaamiyaha Jeejniya oo u hiilliyay Putin sheegayna in uu si weyn u garab taaganyahay Xili Putin Xaalkiisu Xunyahay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Laasacaanood iyo Madaafiic Wali Ku Hoobanaysa Magaladaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here