Home Wararka Maanta Laamaha amniga Soomaaliya oo Maanta soo qabtay Xaafadu lagu kariyo laguna iibiyo...

Laamaha amniga Soomaaliya oo Maanta soo qabtay Xaafadu lagu kariyo laguna iibiyo Maandooriyaha

0

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa meelo kamid ah Degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir ka sameeyeen howlgalka ka hortagga waxyaabaha Maanka dooriya, kaas oo maalmihii la soo dhaafay ka socday degmooyin kamid ah Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa kormeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdish Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)
oo oo wehlinayeen taliye ku-xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed, taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka boliiska iyo taliyaha ciidanka ilaalinta nabadgalyada wadooyinka.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtaybwaxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo lagu iibinayay Goobo kuyaala degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdish Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegwy in howlgalka kusoo qabteen maandooriyaha, Calaq, Xashiish iyo Qamri farabadan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Wadanka Turkiga
Next articleMaamulka Jubaland oo amar culus kusoo rogay ganacsatada ku dhaqan kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here