Home Wararka Maanta Kumaanan Qof oo Soomaali ah ku xayiran Dalka Dibadiisa iyo Gudaha diyaarado...

Kumaanan Qof oo Soomaali ah ku xayiran Dalka Dibadiisa iyo Gudaha diyaarado la,aan owgeed

0

Waxaa weli xayiran duulimaadyada Soomaaliya kadib markii shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya ay si buuxda u hakiyeen dhammaan duullimaadyadii gudaha iyo dibadda laga bilaabo Arbacadii shalay, Janaayo 22, 2025, taasi oo sababtay in boqolaal rakaab ah oo u socdaalayay Muqdisho ay xayirmaan.

Hakintan ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay dowladda federaalka iyo shirkadaha diyaaradaha, kaasoo ku saabsan koror canshuureed oo lagu soo rogay duulista hawada.

War-saxaafadeed uu soo saaray Ururka Shirkadaha Duullimaadyada Soomaaliyeed, oo matalaya ku dhawaad 20 shirkadood oo diyaaradeed, ayaa lagu shaaciyay hakinta duullimaadyada, iyadoo sababaha ugu waaweyn ee go’aankan adag loo qaatay lagu sheegay khilaafaad aan xal loo helin oo kala dhexeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya (SCAA).

“Laga bilaabo Arbacada, Janaayo 22, 2025, Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed waxay si buuxda u hakiyeen dhammaan duullimaadyadii gudaha iyo kuwa caalamiga ah illaa xal waara laga gaarayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Go’aankan wuxuu saameyn ku yeeshay safarrada gudaha iyo kuwa caalamiga ah labadaba, isagoo carqaladeeyay adeegyadii ay heli jireen kumanaan rakaab ah. Iyadoo ka jawaabeysa shaacintan, Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed u gaar ah, iyadoo beenisay sheegashooyinka ah in carqaladeynta duullimaadyada ay sabab u tahay kororka canshuuraha.

Waxay ka digtay faafinta waxa ay ugu yeertay “warar been abuur ah” waxayna bixisay faahfaahin ku saabsan sababta diyaaradaha loo joojiyay, iyadoo sheegtay in dhowr diyaaradood la joojiyay kadib markii baaritaanno lagu ogaaday cillado dayactir.

“Hay’adda Duulista Hawada waxay baaritaanno ku sameysay diyaaradaha gudaha waxaana ay ogaatay arrimo khatar gelin kara badqabka rakaabka. Diyaaradahan ma duuli karaan illaa dayactirka lagu sameeyo si waafaqsan sharciga,” ayay tiri hay’adda duulista.

Walaac ku saabsan howlgallada

Hay’adda duulista waxay sidoo kale walaac ka muujisay hab-dhaqannada howlgallada ee qaybta duulista hawada Soomaaliyeed. Waxay tilmaamtay arrimo ay ka mid yihiin maamulka adeegga rakaabka oo liita iyo ku tiirsanaanta shirkado kale oo diyaaradeed si ay u buuxiyaan waddooyinka duulimaadka sababo la xiriira dib u dhacyada dayactirka ama diyaarado howlgala oo aan jirin.

“Shirkado diyaaradeed oo qaar ayaa ka howlgala caasimadda iyagoo aan lahayn diyaarado, waxayna rakaabka u qabtaan duullimaadyo ay leeyihiin shirkado kale, taasoo carqaladeysay adeeggii loo qaban lahaa gobollada qaar,” ayay tiri hay’adda.

Marka la eego caqabadahan, maamulka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde wuxuu faray Favori, shirkadda gaarka loo leeyahay ee maamusha garoonka, inay diido in shirkadaha diyaaradaha ee aan lahayn diyaarado howlgala oo ku sugan garoonka ay helaan miiska adeegga (counter).

Hakinta duullimaadyada ayaa durba sababtay carqalad weyn oo soo wajahday rakaabka.

Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi, qiyaastii 200 oo rakaab ah oo lagu waday inay u duulaan Muqdisho ayaa ku xayirmay aroortii hore ee Arbacada.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay joojisay saddex duullimaad oo loogu talagalay inay qaadaan rakaabkan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo Markale Gaaray Masar