Home Wararka Maanta Kulankii Golaha Shacabka oo Furmay iyo Xildhibanadii Ceelwaaq iyo Garbahareey oo labaduba...

Kulankii Golaha Shacabka oo Furmay iyo Xildhibanadii Ceelwaaq iyo Garbahareey oo labaduba Fadhiya

0

Waxaa goordhaw si rasmi ah u furmay kulankii xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ugu horeyn xilka ku wareejiyay guddoomiyihii KMG ee Gollaha Shacabka Xildhibaan Dhabancad.

Kulanka ayaa intii uusan furmin waxaa hareeyay buuq ka dhashay Xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Garbahaarey oo lasoo galiyay xarunta Villa Hargeysa, waxaa sidoo kale xarunta Villa Hargeysa ku sugan Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceel-Waaq.

Sida aan wararka ku heleyno xarunta Villa Hargeysa ayaa laga saari waayay xildhibaanadii lagu soo doortay Garbahaarey ee soo galay xarunta , waxaana markaa kadib la go’aamiyay in kulanka iska fadhiyaan intii buuq hareen lahaa munaasabada xil wareejinta.

Guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoominaya kulanka gollaha shacabka, waxa uuna Sheekh Aadan Madoobe xilka sidoo kale kala wareegay guddoomiyihii hore ee gollaha shacabka Maxamed Mursal.

Ajandaha kulanka gollaha shacabka ayaa kaliya ah xil wareejin sida uu sheegay guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka, waxaana la filayaa kulanka kale ee yeelan doonaan xildhibaanada  in ay ku guda galaan doorashada Madaxweynaha.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Kulan la Qaatay Gudoomiya Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya(Sawiro)
Next articleXeelad cajiibka ah ee xubnaha Garbahaarey lagu geliyey xarunta Villa Hargaysa(Xog)