Home Wararka Maanta Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya...

Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen xatunta Villa Hargeysa oo lagu kala kacay

0

Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen xatunta Villa Hargeysa ayaa lagu kala kacay, kadib markii uu buuq xoogan uu hareeyay hoolka ay ku shiraayeen xildhibaannadu.

Doodda ayaa ka dhalatay laba ajende oo la horgeeyay Baarlamaanka, kuwaas oo kala ahaa xisaab xirka miisaaniyadda sanadkii hore iyo meel-marinta misaaniyadda sanadka cusub, taas oo ay su’aallo ka keeneen xildhibaanada oo diiday in la’isku qabto labada ajende.

Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa ka horyimid in kulankan uu guddoomiyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo madasha ku sugnaa, taas oo ahayd oo dood kale oo meesha tiilay.

Intaas kadib waxa sii xoogeystay buuqa, kadibna waxaa go’aan qaatay guddoomiye Cabdi Xaashi oo si deg-deg ah usoo farageliyay arrintan kadibna soo xiray kulanka baarlamaanka.

“Haddii ay arrintu sidaa tahay shirku waa innoo xiran yahay, ballanta dambana waan soo sheegi doonaa” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale waxaa arrintan ka hadlay qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay kamid tahay Qaali Cali Shire oo sharraxaad ka bixisay waxyaabaha keenay buuqa.

“Baarlamaanka ayaa Problem dhex yaallo ayada oo si hoose ama sare loo xallin ayaa waxaa nala dhex keenay maanta guddoomiyaha Aqalka Sare nin weyn oo xushmadleh oo wanaajineyso waayay, laakiin tiisa daryeella tu kale ku dara teena aan soo xalisano, kabacdi hanaloo keeno” ayay tiri xildhibaan Qaali Cali Shire.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in aysan raali ka ahayn labada ajende ee la horgeeyay maanta, kadibna ay iska diideen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Anaga raalli kama nihin labada ajende ee nala horkeenay, laakiin qoraal ahaan waa loo soo diray” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane oo lo yaqaano (Kulane Jiis) ayaa isna ka hadlay dooddan, wuxuuna sheegay in la’isa soo hoos geliyay labada ajende oo waa weyn.

“Waxaa weeye waxaa yaalla laba ajende oo waa weyn, labada ajende waxa waayay xisaab xirka iyo qoondada miisaaniyadda cusub ee sanadkan,” ayuu isna ku jawaabay Kulane Jiis.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Qarax Ka Dhacay Suuqawayn ee Bakaaraha
Next articleDhacdo ‘layaab leh’ oo sababtay in qabriga laga soo saaro nin isbuuc aasnaa