Home Wararka Maanta Ku Dhawaad 25 Gaari oo sida Gargaar oo gaaray Degmada Guriceel

Ku Dhawaad 25 Gaari oo sida Gargaar oo gaaray Degmada Guriceel

0

Waxaa Xalay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud gaaray ilaa 25 gaari oo ah nooca xamuulka qaada kuwaas oo siday gargaar bani’aadanimo oo loogi talo galay dadka degan Guriceel iyo agagaarkiisa.

Gaadiidkaan oo Shalay hay’adda SODMA kasoo ambabixisay magaalada Muqdisho ayaa si nabdoon ku gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Hay’adda maareynta iyo musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa sheegtay in gargaarkan ay ugu talo gashay in loo qeybiyo ilaa 13,000 oo qoys oo ka mid ah dadka ay saameeysay abaarta LaNina.

“SoDMA waxaa ka go’an si walba ay gargaar ku gaarsiin karto shacabka Soomaaliyeed in ay ku gaarsiiso iyada oo adeegsanayso Dhulka, Cirka iyo Badda, waxaana deegaanadii aan marnay laga dareemayaa sameenta abaarta” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay SODMA.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii hay’adda maareynta iyo musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed ee SODMA deeq gargaar bani’aadanimo ah ay geysay magaalooyin Kismaayo iyo Boosaaso.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleDowlada Ukraine oo soo bandhigtay ciidan ka tirsan Waqooyiga Kuuriya ee Dagaalka ku jiray
Next articleMaxay Ahaayeen Qaraxyadii Calay gilgilay Muqdisho iyo Dowlada oo Ka Hadashay?