Stockholm – Xirmo cusub oo dib-u-habayn dhaqaale ah ayaa ka dhaqan gashay dalka Iswiidhan intii lagu jiray bisha Luulyo, taas oo la filayo inay qoysas badan, gaar ahaan kuwa carruurta leh, u horseeddo kayd lacageed gaari kara kumannaan karoon.
Khabiirka dhaqaalaha gaarka ah ee bangiga Swedbank iyo Bangiyada Kaydka, Arturo Arques, ayaa sheegay in isbeddelladan ay si weyn u yareyn doonaan kharashaadka qoysaska, isagoo xusay in xirmadan dib-u-habaynta ay ka ballaaran tahay sidii caadiga ahayd.
Isbeddellada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:
- Cashuurta shidaalka oo la dhimay, taas oo qiimaha bensiinka hoos u dhigtay qiyaastii 3 karoon halkii litir.
- Qiimaha kaararka gaadiidka dadweynaha oo la dhimay ilaa kala bar.
- Lacagaha xannaanooyinka carruurta iyo goobaha daryeelka oo la dhimay.
Qoysaska carruurta leh ayaa la filayaa inay helaan faa’iidada ugu badan, kadib markii la hirgeliyey ka-dhaafitaan cusub oo 10,000 karoon ah marka la xisaabinayo dakhliga qoyska ee lagu go’aamiyo kharashka xannaanada, iyadoo sidoo kale la dhimay heerka ugu sarreeya ee lacagaha la bixiyo.
Sidoo kale, laga bilaabo 1-da Luulyo, ku dallacaadda baabuurta korontada ee goobta shaqada ayaa laga dhaafay canshuurta, kadib markii faa’iidadan laga saaray dakhliga canshuurta laga qaado.
Arturo Arques ayaa sheegay in inta badan tallaabooyinkan ay yihiin kuwo ku-meel-gaar ah, halka qaar kalena ay sii jiri doonaan ilaa amar dambe. Wuxuu intaas ku daray in isbeddelladani ay kor u qaadi doonaan awoodda wax iibsiga iyo isticmaalka gaarka ah ee qoysaska.



