Home Wararka Caalamka Kooxdq Daacish oo muda kadib qiratay Dilka Hogaamiyahoodii

Kooxdq Daacish oo muda kadib qiratay Dilka Hogaamiyahoodii

0

Kooxda ISIS ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hogaamiyahooda markii ugu horeysay Khamiistii – bil kadib markii uu qarxiyay naftiisa iyo qoyskiisa oo dhan, si uusan ugu gacan gelin ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo ku weeraray Dhisme ku yaalla woqooyiga Suuriya oo uu ku sugnaa.

Geerida Abu Ibrahim al-Hashemi al-Quraishi ayaa waxaa looga hadlay bayaan uu soo saaray afhayeenka kooxda argagixisada.

Waxaa lagu bedelay Abu Al-Hassan al-Hashemi Al-Qureyshi oo noqon doona hogaamiyaha cusub ee kooxdaas ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Biden ayaa horay u shaaciyay bishii hore in 45-sano jirkan ahaa hogaamiyaha Daacish uu dilay naftiisa, xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu dhalay intii uu socday howlgal Mareykanka uu ku doonayay in lagu soo qabto 3-dii Febraayo.

Abu Ibrahim ayaa isku qarxiyay dabaqa saddexaad ee dhismo ku yaalla tuulada Atmeh ee dalka Suuriya

Ad
Previous articleCiidmada GorGor iyo Haramacad oo Gaaray Degmada Matabaan oo Shalay Alshabab Qabsadeen
Next articlePutin oo Talaabo ka Dhan ah Reer Galbeedka Markale Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here